Gudoomiyihi hore ee gobolka Bari Senetor Cabdisamad ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku canbareeyay is hortaaga Maamulka Puntland ku sameeyay diyaarad geyn lahayd Magaalada Booaaso Senoter hore Maxamud Madhruuc iyo rag la socday.
Qoraalka masuulkaan ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan canbaaraynayaa xanibaada iyo is hortaaga loo geystay diyaarada uu ku tegi lahaa magaalada bosaso siyaasi senoter hore maxamud madhruuc iyo rag la socda.
Runtii lama daawan karo lamana aqbali karo in puntland ay heerkaas gaarto.
Meeshii maanta la sugaayeey in xaalada jirta looga boxo midnimo iyo wadajir.
Arintaan waxay keeni kartaa kala shaki iyo iney dhaawacdo midnimada iyo amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
Dawlada puntland waa inay fasiraad ka bixisaa arintaas ugubka ah. Ee rag guryohoodii ku socda laga xanibay diyaaradii ay ku imaan lahaayeen.

