HomeWarkiiSiyaasi reer Puntland oo Saciid Deni ku eedeeyay dhacdo maanta ka dhacday...

Siyaasi reer Puntland oo Saciid Deni ku eedeeyay dhacdo maanta ka dhacday Magaalada Badhan

Xassan Shirre Abgaaloow oo ah siyaasi reer Puntland ah islamarkaana mucarad ku ah Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa eedeyn ba’an u jeediyay.

“Caburin, cagajuglayn iyo in shacab xabad loo adeegsado dal laguma haysan karo, Waa in dawladdu ka garaabtaa oo ay dhegaysataa cabashada dadweynaha reer Badhan”ayuu yiri Xassan Shirre Abgaaloow

Sidoo kale siyaasigaan waxaa uu ka dhawaajiyay in waxa ka dhacay Badhan aan lagu qanci karin.

“Markii taladii dalka laga dhigo mid adiga kugu kooban, isla markaana dawladnimadii macnaheeda la dilo, waxaas iyo wax ka badanba waa la filan karaa, waana iman karaan”ayuu mar kale yiri Xasan Shire Abgaaloow.

XAFIISKA WARARA SIYAASADA 

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -