HomeWarkiiSiyaasi reer Somaliland oo si kulul uga jawaabay qarashka Viisaha ee Dowlada...

Siyaasi reer Somaliland oo si kulul uga jawaabay qarashka Viisaha ee Dowlada Somalia soo rogtay

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Siyaasi reer Somaliland ayaa si kulul ka hadlay viisaha qaabka Online-ka ah loo dalbanayo ka hor inta aaney dadka ajaanibta ah soo aadin Somalia, isagoona weerar afka ah ku qaaday Dowlada Somalia.

Siyaasigaan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu ka dhawaajiyay in talaabada ay qaaday Dowlada Somalia ay xad-gudug ku tahay madax banaanida Somaliland sida uu warka u dhigay.

“Xukuumadda Xasan Sheekh ee Muqdisho iyo isku daygeeda musuqmaasuqa ah ee lagu doonayo in si sharci-darro ah loogu khasbo Dadka Safarka ah inay bixiyaan lacag fiiso ka hor inta aanay gelin Somaliland, waxa ay si cad u jebinaysaa madax-bannaanida Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah” ayuu yiri Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi

Siyaasigaan wuxuu ka dalbaday madaxda maamulka Somaliland inay talaabo ka qaadaan shirkad kasta oo ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee isku daya inuu fuliyo awaamiirta Dowlada Somalia.

“Somaliland ma sii wadi karto in ay ka sii aamusnaanto arrintan soo korortay, waa inay ka hor tagtaa qorshayasha Dowlada iyagoo u hoggaansamaya dastuurka somaliland,talaaba adag waa in laga qaado shirkadii u hogaansata isku deyga dowlada Somalia” ayuu mar kale yiri Maxamuud Xaashi Cabdi

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -