Siyaasiga Soomaaliyeed ee Saacid Ciise Mahamuud ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aanka Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Soomaliya ay dhawaan ku shaaciyeen inay joojiyeen is diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka dalka.
Siyaasi Saacid Ciise Mahamuud wuxuu sheegay shuruucda caalamiga ah aysan qabin in is diiwaan-gelinta waqti loo yeelo balse ay tahay inay socoto ilaa iyo inta uu si rasmi ah uga bilaabanayo doorashooyinka.
“Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka waxaa la gudboon iney tixgeliyaan nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka, kaas oo faraya in codbixintu ay tahay mid xora oo dhamaan dadweynaha u furan inta laga gaarayo maalinta codbixinta oo isla maalintaas ay dadweynuhu xaq u leeyihiin iney isdiiwaan geliyaan, haddana ay isla maalintaas codeeyaan” ayuu yiri Siyaasi Saacid
“Sida uu qabo xeerarka caalamka ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka ayaa tilmaamaya sida ay muhiim u tahay in isdiiwaangelintu ay socoto ilaa laga gaarayo maalinta codbixinta (Same day registration and same day vote)” ayuu yiri Siyaasi Saacid
Siyaasigaan wuxuu intaasi ku daray in hadii Gudiga sidaas u shaqeyn ay meesha ka muuqanayso in dad gaara la diiwaan gashaday.
“talaabadaani waxay ka dhigeysaa mid hal dhinac uu wato oo natijada doorashada micnaha ka qaaadeysa ,waxa kale oo arintaasi keeneysaa in xisbiyadu diidaan natiijada ama ay qaadacaan ka qeybgalkeeda”ayuu mar kale yiri Siyaasi Saacid oo ku nool Dalka Mareykanka
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
