HomeWarkiiSiyaasi sheegay in James Swan uu yahay Af-hayeenka mucaaradka

Siyaasi sheegay in James Swan uu yahay Af-hayeenka mucaaradka

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble ayaa eedeyn u jeediyay ergeyga Qaramada Midoobe ugu qaabilsan arimaha Somalia James Swan.

Cali C/laahi Cosoble wuxuu ku eedeeyay James Swan inuu noqday Af-hayeenka u hadla siyaasiyiinta Mucaaradka Dowlada Faderaalka Soomaaliya gaar ahaan guruubka la baxay Golaha samata-bixinta Ummda Soomaaliyeed.

“James Swan waa kii waayadaan danbe ahaa Afhayeenka mucaaradka ee nimanaka la baryi maayee shirka haka keeno ama  buuqa hanagala tago”ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble

Sidoo kala siyaasiga ayaa ku dhaliilay mucaaradka inay subax kasta hortagaan yihiin shisheeyaha xalane.

“Nimankan qeylinaya ee subax walba gaalada hor taagan horta ma fahamsan yihiin iney yihiin danley naftooda oo keliya wakiil ka ah?”ayuumar kale  yiri Cali C/laahi Cosoble

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -