Siyaasiga C/sataar Xasan Cali oo ka hadlay loolanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ayaa sheegay inaan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka lagula tartami karin Wasiir Jaamac marka loo eego sida uu ugu dhaw yahay.
“Kooxda la tartamaysa Wasiir Cabdqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaan leeyahay kharashaadka diiwaangelinta, ololaha, hoteellada iyo xafladaha yeysan lacagta idinkaga dhamaanin” ayuu yiri Siyaasi C/sataar
Sidoo kale wuxuu sheegay siyaasigaan in siyaasadu tahay tartan, islamarkaana guusha lagu helo codadka marka la uu tartan doorasho dhaco.
“Aniga aragtidayda, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa noqon doona Abdulkadir Mohamed Nur Jama, maadaama uu leeyahay waayo-aragnimo dowladeed iyo taageero siyaasadeed oo muuqata” ayuu mar kale yiri Siyaasi C/sataar.
XAFIIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
