HomeWarkiiSiyaasi sheegay inuu Jaamacado iyo Iskuulo Dowladu ku qaban doonto doorashada...

Siyaasi sheegay inuu Jaamacado iyo Iskuulo Dowladu ku qaban doonto doorashada boobka ah

Siyaasiga Cali Yare Cali oo mar soo noqday Gudoomiye ku xigeenkii Maamulka Gobolka Banaadir xiligii Dowladii Farmaajo islamarkaana caan ka ah baraha bulshada ayaa soo bandhigay qaar ka mid ah Jaamacadaha dalka oo uu sheegay in Madaxweyne Xassan uu qorsheynayo inuu ku qabto doorasho boob ah .

“Waxaan helay liiska Jaamacadaha la qorsheeyay in lagu qabto doorashada boobka ah ee Xasan iyo goobaha ay ku kala yaalaan” ayuu  yiri Cali Yarre Cali

Cali Yare wuxuu sheegay in Wasiirka Waxbarashada Farah Sheikh C/qaadir uu ciidamo u diray dhowr goobood oo kala ah Jaamacadaha iyo Iskuullada si ay laamaha amnigu ula soo wareegaan furayaashooda.

Sidoo kale Cali Yare Cali wuxuu tilmaamay in Alshabaabna dhankooda qorsheynayaan inay weeraraan jaamacadaha iyo iskuulada Dowladu rabto inay doorashada ku qabato.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -