BOOSAASO (DAYNIIILE.COM)-Siyaasi Siidoow oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa xalay ka hadlay Xaflad uu isagu soo qaban qaabiyay kaasoo lagu taageerayo dib u doorashada Saciid C/llaahi Dani.

Shacabka Beesha Jareer weyne ee ku dhaqan Boosaaso ayaa iskugu yimid xaflada iyagoo watay sawiada Madaxweyne Saciid Danni iyagoo muujinayay siday u taageersan yihiin dib u doorashadiisa.

Advertisement

Siyaasi Siidoow oo xaflada ka shegay in beeshiisu si weyn u taageersan tahay siyaasada Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani iyo guud ahaan Beesha Daarood ayaa dhanka kale codsaday in reerkiisa xilal laga siiyo Maamulka Puntland.

“Deni waxaan lka codsanaynaa in uu Puntland naga nasiiyo Matalaada”ayuu yiri Siyaasi Siidoow

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaday dooerashada madaxweynaha ee 2026 ayuu sheegay in ducada reerkiisu ku dhacday Saciid Dani sidaas daraadeedna isaga uu guuleysan doono hadii Alle gaarsiiyo.

“yaa kaa hor istaagi karo 2026 inaad noqoto madaxweynaha Soomaaliya,anaga kuu duceynay”ayuu mar kale yiri

hadana hadalada uu xaflada ka jeediyay oo dhameystiran halkaan ka daawo muuqaal uu diyaariyay Puntland TV:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleHeshiis laga gaaray xiisadii u dhexeysay Hormud Telecom iyo NISA
Next articleXildhibaan Fartaag oo Kenya ka codsaday inay nolol iyo geeri mid ku sheegaan Siyaasi C/rashiid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here