Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeyn ba’an u jeediyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).
Maxamed Mursal wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne lafta-gareen inuu diidan yahay in deegaanada Koonfur-Galbeed laga saaro Dagaalamayaasha Alshabaab.
Siyaasigaan oo isaga lafiisu ka soo jeedo deegaanada Koonfur-Galbeed ayaa sheegay in Lafta-gareen uu is hor-taag ku sameeyay qorshe iyo abaabul dagaal oo ka dhan ahaa xoogagga Alshabaab.
“waad ogtihiin reer koonfur-Galbeed cid uga baahi badan ma jirto in laga xoreeeyo maleeshiyaadka Alshabaab,deegaano badan go’doon ayay galiyeen oo iyagaa ku hareereysan”ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
Mar uu soo hadal qaaday dagaalada ka socda maamulada Hirsha-belle iyo Galmudug ayuu ku amaanay madaxda maamuladaasi inay dharkii tuutaha u xirteen sidii ay isaga xoreyn lahaayeen Alshabaab.
“waad aragtaan madaxda Hirsahabelle iyo Galmudug waxay furimaha u joogan sidii ay isaga saari lahaayeen Alshabaab halka C/casiis lafta-gareen uu siyaasiyiinta deegaankasi u dhalatay u diidan yahay inay xitaa booqdaan dhulkooda”ayuu mar kale yiri Maxamed Mursal Sh.C/raxmaaan
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM