Siyaasiga Saciid Ciise ayaa war qoraala uu soo saaray wuxuu kaga hadlay dhulalka Dowlada ee shacabka laga saarayo islamarkaana inta badan lagu eedeeyo Dowlada inay dano qaasa ku fushato balse aysan dan guud ku qaban.
Siyaasi Saciid Ciise wuxuu ku eedeeyay Dowlada Somalia ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh mid dhul boob ka wada dalka isagoona ugu baaqay shacabku inay ka hortagaan madaama waqtiga dowladaani uu gabaabsi yahay.
Qoraalka Siyaasiga ayaa sidan u qornaa:-
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa iney iska difaacaan tuugada guryahooda boobaya.
Ma aaminsani dekereto madaxweyne iney wataan, balse waxey heshiis la yihiin koox qowleysato ah oo si dadban ugu daaban dowladda oo ay ku xiran yihiin.
Waxaa masuuliyadda shacabkaas dhulalkooda la boobayo iyo dadka lagu laayey boobka dhulalkaas lagula xisaabtami doonaa madaxweynaha iyo raisul wasaaraha dowladda Soomaaliya.
Shacabku waa iney hubkooda qaataan oo ay dhulalkooda ka difaacdaan qowleysatadaas magaca dowladda iyo ciidanka dowladda ku boobaya dhulalka ay degen yihiin qoysaska dan yarta ah.
Waxaa sidoo kale madaxda sare ee dowladda lagula xisaabtami dhamaan ciidamada qaranka oo macno la’aanta loogu baabiyey dagaallo aan lahayn hogaamin ciidan oo durugsan.
Waxaa looga baahan yahay shacabka ay dhulalkooda ay boobayso qowleysatadu iney boorar ku dhejiyaan guryahooda iyagoo muujinaya ineysan guryahoodu beec ahayn iyo iney naftooda u hurayaan si ay u badbaadiyaan dhulalkooda.
Madaxweyne Hassan dowladiisu waa gabal sii dhacaya oo aan soo noqosho lahayn, waxaan mar dhow la gelayaa kalaguur uusan madaxweynuhu awood u lahayn inuu wax go’aana uu fuliyo, sidaas daradeed in la tixgeliyo ma ahan, waana in difaaca la xoojiyaa inta ay dowladiisu ka dhaceyso.
Dhib kastoo dhacay waxaa ka dambeeya xisaabtan aan arxan lahayn. Shacabku ha iska celiyaan hororka dhulkooda boobaya, kuwaasoo aan damiir Soomaalinimo iyo Islaanimo aysan quluubta ku jirin, balse ah imaanlaaweyaal Ilaahey imaanka ka qaaday, oo aan iimaan diimeed lahayn, waayo qofka wanaagsan waxaa dabra oo xumaanta ka celiya dhaqan suuban oo xakameeya, diinta Islaamka oo ka celisa xumaanta, iyo caqli wanaagsan oo maanka ka reebaya waxaan habooneyn ama aan munaasab ahayn.
Dowladdu haddii ay dugaag noqoto, waxaa waajiba in la iska caabiyo dulmigeeda, balse aysan shacabku noqon ido sidii la rabo laga yeelo.

