HomeWarkiiSiyaasi Xun-dubeey oo dagaalka ku amaanay Beesha Xawaadle, sidoo kalana difaacay beeshiisa...

Siyaasi Xun-dubeey oo dagaalka ku amaanay Beesha Xawaadle, sidoo kalana difaacay beeshiisa Abgaal

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xassan Xunudubeey Jimacaale oo haa wasiirkii hore ee amniga ayaa si weyn dagaalka alshabaab ugu amaanay macawisleyda beesha Xawaadle  isagoona sidoo kalana difaacay reerka Abgaal ee uu ka dhashay.

Wasiir xundubey wuxuu sheegay in Beesha Xawaadle yihiin reer dagaal u abaabulan balse beesha uu ka dhashay ee Abgaal ayuu sheegay inaysan sidaas oo kale u abaabulneyn caqabado jira awgeed.

“Beesha Xawaadle waa abaabulan yihiin dhiigooda ayey hureen, laakiin beesha aan ka dhashay sidaas uma abaabulna, shaqadana mas’uuliyiinta ayey saaran tahay” ayuuyiri Siyaasi Xasan Xundubeey.

Masuulkaan wuxuu xusay in ciidamada beeluuhu garab u yihiin Dowlada Somalia balse shacabku xukuumad doorteen, masuuliyadana ay iyaga saaran tahay.

Sidoo kale Siyaasi Xunudubey ayaa difaacay beesha Abgaal ee uu ka soo jeedo mar wariyuhu weydiiyay sida uu u arko eeda badanaa loo jeediyo beeshiisa taasoo ah inay dacaad ka ahayn dagaalada socda islamarkaana deegaanadoodi ka soo baxeen iyagoon dagaalamin.

“horta waxaa fiican inaad ogaataan degmooyinka gobolka shabeelaha dhexe dhamaantood waa xor marka laga reebo Degmada Aadan Yabaal, reerkuna qalad kuma lahaa dagaalada oo dalku Dowlad ayuu leeyahay, kaliya qabiilku waa garab”ayuu yiri Xasan xundubey.

“Beesha aan anigu ka dhashay uma abaabulna sida beesha Xawaadle laakiin iyaguna kaalin fiican ayay ka qaateen dagaalada eedna ma leh, degmooyinka gobolka sh.dhexe marka laga reebo Aadan Yabaal gacanta Dowlada ayay ku jiraan saa in loo ogaado ayaa loo baahan yahay, waa dadaaleen wana dagaalameen waana iska xoreeyeen laakiin kala daadasho anaga si guud noo galay ayaa taas sababay laakiin marna beeluu eed malaha”ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee amniga Somalia.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMDowladda Soomaaliya : Xaalada amniga waxa ay gaartay heer aanan gacmaha  laga laaban karin - BBC News Somali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -