Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo duhurnimadii Maanta qeyb kamid ah Magaalada Muqdisho lagula beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo kamid ahaa siyaasiyiinta aadka u taageeri jiray Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo jugtiisa la maqlay ayaa waxaa siyaasi Cabdullaahi Sheekh lagula beegsaday xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, xili uu kasoo baxay Masjid uu kusoo tukaday Salaadii Jimcaha.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in siyaasiga uu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxa, isla markaana waxaa dubadii loola cararay  mid kamid ah Isbitaalka ku yaalla Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, si xaaladdiisa Caafimaad loogu dabiibo.

Weli lama oga khasaare kale oo uu geystay qaraxii ka dhacay  degmada Wadajir, waxaana la xaqiijiyay inay waxyeelo soo gaartay Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan,  kadibna waxaa goobta qaraxa tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo aaga xiray.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxa lala beegsaday siyaasi Cabdullaahi Sheekh oo kamid ahaa siyaasiyiinta aadka u taageeri jiray Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here