HomeWarkiiSiyaasiga C/raxmaan C/shukuur oo weerar afka ah ku qaaday Culimaa'udiinka

Siyaasiga C/raxmaan C/shukuur oo weerar afka ah ku qaaday Culimaa’udiinka

Siyaasi Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay barihisa bulsha wuxuu ku weeraray Culimaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwii maanta ka qeybgalay shirweynaha 3-aad ee Culimada kaasoo ay Dowlada Somalia sanad kasta mar soo qaban qaabiso.

C/raxmaan C/shukuur oo ka tirsan mucaaradka Dowlada ayaa ku eedeeyay Culimada inaysan Dowlada kala hadlin ugu yaraan sida uu sheegay boobka hantida Qaranka iyo barakicinta shacabka, Siyaasiga wuxuu sheegay in Culimadu ka qeybgalkooda shirka ay ka dhaxli doonaan sumcad xumo iyo in bulshadu ka aaminbaxdo.

Halkaan ka akhriso qoraalka C/raxmaan C/shukuur oo sidiisa u qoran:-

Bulshada qaybaheeda kala duwan, si gaar ah culimada cammirta shirarka lagu sheego in lagaga hadlayo caddaalad iyo diin, ee ku dhici waayey in ay ka hadlaan barakicinta danyarta, xaraashka dhulka danta guud, musuqmaasuqa xarkaha goostay, eexda iyo nidaamka garsoorka ee u shaqaynaya qofkii awood leh ama iibsan kara, waa in ay ogaadaan in ay marag been ah furayaan, kana dhaxli doonaan sumcad xumo iyo in bulshadu ka aaminbaxdo. Culimadu waa tiir weyn oo ka mid ah hoggaanka bulshada, waxay ahayd in xuquuqda masaakiinta la barakicinayo u dooddo, difaacdo, oo dhankooda la jirsato

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -