Siyaasiga Cabdiramaan Cabdishakuur oo Canbaareyey Xariga wariye Guibiye

0

Waxaan canbaaraynayaa xarigga loo gaystay wariye Guribiye iyo Xukunka ka dhanka ah ee maanta lagu dhawaaqay. Labaduba waxa ay qayb ka yihiin xadgudubyada lagu la ka cayo saxaafadda guud ahaan gaar ahaan wariye Gurbiye, waana mid hareer marsan sharciga. Gurbiye waa saxaafi, waxay ahayd in lagu dhaqo xeerka saxaafadda oo ah xeer gaar ah, falka lagu eedeeyayna uu yahay mid la xariira gudashada shaqadiisa.

Eedeeymaha loo soo jeediyay wariye Gurbiye, waxa ay ahaayeen kuwa isbedbedala, oo la jaanqaada hadba sida ay rabto Madaxtooyada. Ugu horreyn waxaa lagu eedeeyay in uu u gafay sharafta iyo karaamada Madaxweynaha, markii ay culays dareentay Madaxtooyadu waxay eeda u rogtay faafinta warar Been-abuur ah oo qalqal galinaya amniga guud.

Habka loola dhaqmay wariye Gurbiye iyo guud ahaan bahda saxaafadda, waa hab baal marsan Dastuurka qodobkiisa 18-aad iyo shuruucda JFS, waana arrin tusaale cad u ah in Madaxtooyadu ay u aragto saxaafadda faldanbiyeed haddii aanay ka shaqaynayn danaheeda.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here