Siyaasiga Cali Cabdi wardheere Cali yare oo muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyay, Sawiro

0

Siyaasiga Cali Cabdi Wardheere Cali Yare oo ka mid ah siyaasiyiinta lagu tilmaamo in uu xiriir dhaw la leeyihiin Villa soomaaliya ayaa ku soo laabtay magaalada muqdisho, oo uu ka maqnaa Mudooyinkii la soo dhaafay.
Cali Cabdi wardheere ayaa bilihii la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa dalka Sweden, oo uu dagan yahay, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay GaroonkaMuqdisho.


Dad weyne aad u fara badana oo iskugu jira siyaasiyiin, Xildhibaano iyo waxgarad kale ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka adan cadde ee magaalada Muqdisho.

Cali yare oo halkaas kula hadlay dadweyihii ku soo dhaweeyay Garoonka ayaa aad uga mahad celiyay dadkii halkaas ku soo dhaweerar amaana ugu jeediyay.


“ Waxaan aad ugu faraxsanahay sida sharafta leh oo aad ii soo dhawayseen, waana idinkaga mahad Celinayaa, waana Xili kuleel ah, waana kala war qaadan doonaa maalmaha soo socda waana mahadsantihiin, waxaan sidoo kale u mahad celinayaa wariyayaasha dadkii Garoonka joogay saacadaha badan ee u taagnaa soo dhawaynteeda waxaana leeyahay shukran ”ayuu yiri Siyaasi cali yare oo la hadlayay dadkii ku soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho.


Siyaasigan oo ka soo jeeda Dcegaan ahaan Galmudug, ayaa aad ugu dhaw Villa Somaliya, waxa uuna ka mid ahaa siyaasiyiintii sida aadka ah uga shaqeeyay dhismaha maamulka Galmudug ee uu Madaxweynaha ka yahay Qooq Qoor.
Cali yare cali ayaa sanadihii la soo dhafay waxa uu aad uga dhex muuqday warbaahinta, waxaana lagu tilmaamaa gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna aad saxaafada uga dhex muuqday, markii Dowladii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Xasan sheikh Xarig u gaysatay asaga oo aan wax maxkamad ah la soo saarin mudo uu u xirnaa.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
Cabdixakiin441@hotmail.com
Tell+254-711830393

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here