Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka tacsiyeeyey geeridii ugaaskii & nabadoonkii beesha Silcis & xasuuqii deegaanka Gololeey [BAYAAN]

0

Waxgarad ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan siyaasiyiin & aqoonyahanno magac ku leh beel-waynta Silcis  ayaa ka tacsiyeeyey falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu dilay ugaaskii beesha Silcis Ugaas Xuseen Maxamed Daauud  iyo mid ka mid ah ilaaliadiisa iyo sidoo kale, nabadoonkii guud ee beeshaasi  Maxamed Cumar.

Waxgaradku, sidoo kale waxay u rajeeyeen dadkii shaqaaqadaasi ku dhaawacmay inuu ILLAAH u booga-dhayo.

Waxgaradka oo caawa bayaan ka soo saaray dalka Zwitzerland, una badan hormuudka aqoonyahanada iyo qurba joogta beesha Silcis gurgaarte, waxaa sidoo kale ay ka tacsiyeynayaan xasuuqii dorraad loogu gaystay deegaanka Gololeey oo ka tirsan degmada Balcad 8 dhalinyaro oo u shaqeynayey hay’adda Zamzam foundation.

“Annaga oo ka xun dadkii qiimaha lahaa ee 2daasi dhacdo ku baxay, naftoodana ku waayay, waxaan dowladda Soomaaliya ka dalbaneynaa in ay cadaaladda hor keento kuwii ka dambeeyey falalkaasi wuxuushnimada ah” Ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen aqonyahanadaas, waxaann baaq loogu diray suldaanka beesha Suldaan Maxamed Aweys, iyada oo laga dalbaday sudaanka in  asagoo kaashanaya dhaqnka,  saraakiisha,xildhibaanada,haweenka,waxgaradka beesha sida culimada iyo dhammaan inta samaha jecel inay ka shaqeeyaan inaysan dib danbe u dhicin dhibaatadaan oo kale, lana dhameeyo waxa keenay in ragaan qiimaha badan ay meeshaas ku baxaan.

Magacyada xubnaha tacsida diraya ayaa kala ah:

 

Inji Sayid sh.cabdullaahi

Dr Aweys Xaaji yuusuf

Dr Aweys xaaji cismaan

Garyaqaan Cabdiwaxid Xaaji Cusmaan

Guddoomiye xiriirka dibada iyo gudaha beesha silcis Xassan Naaji

Nuur Sheekh Naaji

Cali Barakow

Dr Khadija Naaji

Dr Shaafici Cabdullaahi Maxamed

Professor Sh. Cismaan Usuuli

Dr Maxamed Faarax Qare

Garyaqaan Xassan Jaamici

Nabadoon Sayid Cumar Sheekh Naaji

Inj Axmed Xaaji Cusmaan Geesaweyne

Gaashaale sare Aweys Baliile

Cayaartooyda Qaranka soomaaliya soo matalay.

Xaaji Macow Sayid Barakow,

Cabdi Cumar.

Aabaliisha,

Sakariye Maxamed baliile

Maxamed Cabdulqaadir X.yuusuf.

Nabadoon ibraahim cismaan

Nabadoon Axmed tasbid Nabadoon cumar Sh.Cabdullaahi

Dr Cabdinaasir Sulaan Dudumagale

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here