Muqdisho (dayniiile.com)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku wada qaatay siyaasiyiinta isbadal-doonka Dowlad Goboleedka Koonfur-galbeed iyo Safiirka Soomaaliya uga wakiilka ah Dalka Britan Michael Nithavrianakis.

Kulankaan waxaa la iskula soo qaaday arimo badan oo danaha reer koonfur-galbeed u badnaa sida fulinta heshiisyadii hore u dhexmary Dowada Brtian iyo Maamulka Koonfur-galbeed.

Advertisement

Sidoo kale waxaa la iskula soo qaaday dagaalada Alshabaab lagula jiro iyo doorashada koonfur galbeed oo ah taargadka ugu weyn ee isku keentay kooxdaan siyaasiyiinta ah.

Siyaasiyiintaan waxay Safiirka Britain ka dalbadeen in guud ahaan beesa Caalamku qaataan doorkooda ku aadan sidii ay u taageri lahaayeen doorasho is wada ogol ah islamarkaana waqtigeeda ku dhacda inay ka qabsoonto koonfur-galbeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maalmahaan danbe dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh ka wada dalka ayaa maalin ka hor Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxay ugu tageen Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Galmudug iyagoo kala soo hadlay sidii Dowladu gacan uga geysan lahayd in doorashada Madaxweynaha Koonfurgalbeed  uu ku dhaco waqtigii hore loogu balamay.

Siyaasiyiintaan isbadal doonka ah waxay shaki ka muujiyeen qaabka uu wax ku wado madaxweynaha koonfurgalbeed C/casiis Laftagareen oo aysan ka muuqan sida ay aaminsan yihiin ifafaale uu doorashada ku diyaarinaayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleGaari loo diyaarshay is qarxin loona ekeysiiyay raashin oo lagu qabtay Magaalada Doolow+Sawirro
Next articleWeerar qaraxyo ah oo maanta ka dhacay  Dalka Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here