HomeWarkiiSiyaasiyiinta madasha samata-bixinta mucaaradka oo Madaxtooyada sii galaya iyo shir ay la...

Siyaasiyiinta madasha samata-bixinta mucaaradka oo Madaxtooyada sii galaya iyo shir ay la leeyihiin Madaxweyne Xassan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa lagu wadaa in goor dhaw uu shir uga furmo Madaxweynaha Somalia iyo Siyaasiyiinta madasha samata-bixinta mucaaradka kuwaasoo ka soo hor jeeda habka madaxweyne Xassan u maareeyay arimaha doorashooyinka iyo Dastuurka.

Kulankaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Madaxweyne Xassan sui gaar ah u casuumay siyaasiyiintaani oo diiday shir maalmo ka hor madaxweynuhu ugu magac daray madasha qaran iyagoo shuruurdo ku xirey inay Madaxweyne Xassan la fariistaan walow ay dib ka ogolaadeen  codsi kale oo madaxweynuhu u diray si masiirka dalka looga hadlay.

Kulamadaan oo daaran ka hadalka xaalada kala guurka iyo dhawaanshaha waqtiga doorashada ayaa waxa badan oo la isku hayo waxaa lagu wadaa inay wax uun isaga soo dhawaadaan kulanka maanta.

lAbada qodobb ee ugu waa weyn ee mucaaradku kula dhagan yihiin Madaxweyne Xasan waxay kala yihiin wax ka badalkii Dowladu ku sameysay dastuurka oo ay u arkaan mid dhinac gaara uu wato iyo qodobka kale ee ah doorashada in la isla garto xili Dowladu ku adkeysaneyso doorasho toos ah oo qof iyo cod ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 10 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -