HomeWarkiiSiyaasiyiinta Mucaaradka oo isu kala qeybiyeen inay kala degaan Degmooyinka Muqdisho

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo isu kala qeybiyeen inay kala degaan Degmooyinka Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa u hooyana oo degaya Waqooyiga Muqdisho madaama beri uu horkacayo banaan baxa isaga iyo saaxiibadiisa kale.

Wararka aan heleyno ayaa tilmaamaya in mucaaradka dhamaantood jeexdeen qorshe ah in midba dego meel Muqdisho ka tirsan si aaney u saameyn hadii Dowladu beri jidadka xirato si ay banaan baxayaasha u hor istaagaan.

Sidoo kale Xasan Cali Khayre ,C.raxmaan C/shukuur iyo mucaaradka kale ayaa meelo kala duwan waxay ka degi doonaan Caawa Magaalada Muqdisho si ugu diyaar garoobaan banaan baxa bari oo qorshuhu yahay inay iyagu horkacaan shacabka taageerayashooda ah.

Guud ahaan Mucaaradka waxay aad uga cabsi qabaan in Ciidamada Dowladu jid gooyo ku sameyn karaan mucaaradka si ay isula shaqeyn ,sidaas daraadeed ayay u go’aansadeen inay meelo kala duwan degaan.

Qorshaha mucaaradka ayaa ah inay banaan baxaya joogto u wadi doonaan ilaa iyo inta Dowladu ka joojineyso sida ay sheegeen barakicinta shacabka sidoo kalana ay xabsiyada ka soo deynayaan dhalinyarada loo xirey arimo siyaasada la xiriira.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -