Madaxdeeniyey i jiid aan ku jiideda naga daaya. Mid culeys keena iyo mid gadaal uga dhega xaajada. Umaddaan daashan xal uma aha.

Dhinacyada is diidanow dadkan daashan ha loo turo. Taariikhdu wey xusi doontaa. Yaa jidkii AUN Asxaabigi Xasan Bin Cali maata qaata uu ku badbaadiyey Muslimiinta. Xiligi dagaalkii Ratiga ee Muslimiinta ee ay kala Hogaaminayeen AUN Asxaabigi Mucaawiye Iyo Asxaabigi AUN Xasan bin Cali. Oo uu Xasan u Tanaasulay Mucaawiye. Muslimiinta dhiigooda ayaa ku kala badbaaday. Waxay heleen Midnimo iyo quwad ay ku furteen dhulal fara badan.

Maanta waxaan u baahanahay geesi u damqada dadkiisa daruufahu la degeen oo tanaasul Qaadan kara. Waan hubaa in dhib uu leeyahay. Balse wax walba oo guul ah dad baa qaraar u qaatay u soo samray. Waxay leeyihiina uga tegay.

War hooy Siyaasiyiinteeniyay gaalo shisheeye dan inooma aha iyo xukun jaceyl. Aan taariikhdeeni awoiwataashen dib ugu noqono oo gari geed ma dhaafto bey dhihi jireen. Caqligu ha shaqeeyo. Walal ama walaalo iska celinta ha la joojiyo. Danta Soomaali wax walba ha loo liqo.

Abdurashid Abdulle Abikar DEYL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here