BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Munaasabadii shalay Baydhaba ka dhacday ee lagu soo bandhigay musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka Koofurgalbeed ee Aadan Madoobe ayaa waxaa ka muuqatay qurux marka la eego sida loo soo agaasimay.
Munaasabada waxaa quruxda u yeelay waa midnimada ka dhex muuqata siyaasiyiinta reer koofurgalbeed gaar ahaan garabka Dowlada oo awal kursiga wada radinayay laakiin hada muujiyay inay isu tanaasuleen,tusale waxaa xaflada joogay siyaasiyiin badan oo damac uga jirey kursiga kana mid ahaa musharixiinta kuwaasoo kala ah Wasiirka Dekadaha C/qaadir Maxamed Nuur,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Eelaay,Xoghayaha guud ee Xisbiga JSP Xuseen Sheekh Maxamuud kuwaasoo dhamaantood u tanaasulay Aadan Madoobe.
“Waxaa magaalada Baydhabo ku qabsoontay Xafladda Shaacinta Musharraxa Madaxweyne ee Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur taasi oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno, Xogheyayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo taageerayaasha Ururka” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Xog-hayaha guud ee Ururka Cadaalada iyo wada-jirka JSP
Munaasabadda intii ay socotay waxaa lagu soo bandhigay aragtiyada siyaasadeed ee Xisbiga JSP gaar ahaan waxtarka iyo waxqabadka Ururka ee ay shacabka uga doonayaan cododkooda inay siiyaan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM






























