HomeCiyaarahaSolskjær oo ku dhow inuu noqdo tababaraha ku meel gaarka ah ee...

Solskjær oo ku dhow inuu noqdo tababaraha ku meel gaarka ah ee United

XIGASHO LAACIB.NET

Ole Gunnar Solskjær ayaa qarka u saaran inuu markii labaad dib ugu soo laabto kursiga tababaranimo ee Manchester United, isagoo wadahadallo horumar leh kula jira maamulka kooxda si uu u noqdo tababaraha kumeel-gaarka ah ilaa dhammaadka xilli-ciyaareedkan.

Sida ay baahisay talkSPORT maanta, halyeeyga reer Norway ayaa loo arkaa qofka ugu cad-cad ee buuxin kara booskii uu banneeyay Ruben Amorim.

Soo laabashada Solskjær waxaa si weyn u taageeraya xiddigaha muhiimka ah ee kooxda kowaad sida kabtan Bruno Fernandes iyo Harry Maguire, kuwaas oo horay ula soo shaqeeyay. Sidoo kale, halyeeyada kooxda ee kala ah Rio Ferdinand iyo Gary Neville ayaa aaminsan in Ole uu yahay qofka ugu habboon ee xilligan dejin kara xaaladda qolka labiska ee qasan.

Solskjær qudhiisa ayaa rajeynaya in haddii uu guulo gaaro lixda bilood ee soo socota, uu heli karo fursad uu ku noqdo tababaraha joogtada ah ee kooxda.

Maamulka Manchester United ayaa sidoo kale shaqada la xiriiray Michael Carrick iyo Ruud van Nistelrooy, iyadoo Carrick uu diyaar u yahay inuu noqdo tababaraha kumeel-gaarka ah ama uu xitaa ku xigeen u noqdo Solskjær haddii uu soo laabto. In kasta oo Darren Fletcher uu hoggaamin doono kulanka FA Cup-ka ee Axadda ay la ciyaarayaan Brighton, haddana waxaa la filayaa in kulanka ugu horreeya ee Solskjær uu noqdo ciyaarta xamaasadda leh ee Manchester Derby oo dhici doonta January 17, 2026.

Ceyrintii Ruben Amorim ayaa timid ka dib markii uu diiwaangeliyay rikoorkii ugu xumaa ee tababare soo mara United, isagoo guuleystay kaliya 32% kulammadii uu hoggaamiyay. Waxaa intaas u dheeraa khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo agaasimaha ciyaaraha Jason Wilcox, iyo isagoo diiday inuu ka tanaasulo nidaamka saddexda daafac oo ay ciyaartoydu ku dhibtoodeen.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -