HomeWarkiiSomali dhac ka gaystay xaafada Islii oo la soo qabtay.

Somali dhac ka gaystay xaafada Islii oo la soo qabtay.

Booliiska Magaalada Nairobi ayaa soo qabtay burcad Soomaaliyeed oo dhac baahsan ma gaystay xaafada islii habeen hore markii loo dabaal degayay maalinta xornimada Somalia .

Burcadaan oo adeegsaneysay baangado iyo midiyo ayaa gabdhaha Soomaaliyeed si gaar ah waxay uga dhaceen habeen hore Mobile-dii ay wateen iyo wixii fudud ay ka heli kareen balse si degdeg ah ayaa badankood lagu soo qab-qabtay.

Saldhiga Booliiska Xaafada Islii dhankeeda waqooyi ayaa lagu hayaa dhalinyaradaan oo badankood 20 jiro u badan.

Maxkamad ayaa lagu wadaa in dhawaan la soo taago si danbiyada ay galeen loogu qaado marka loo helo cadeymo buuxa walow hada sawirada laga qaaday ay muujinayaan in qaarkood hubkii ay wax ku dhaceen lagu soo qabtay taasoo qeyb ka noqon doonta cadeynta.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

 

Vvvbvvvv

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -