HomeWarkiiSomali hore ugu tartamay xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo loo heysto xatooyo...

Somali hore ugu tartamay xilka Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo loo heysto xatooyo Malaayiin Doolar

Sida ay maanta shaaciyeen warbaahinta Kenya qaarkood Cabdullahi Cali Cumar oo ah Soomaali hore u soo noqday Musharax Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday lacag Malaayiin Doolar ah.

C/laahi oo  hada la raadinaayo waxaa loo heystaa 29 Milyan Doolar inuu ku qatay wax is daba marin iyo qaabab sharci daro iyo musuq maasuq,wuxuuna ka mid yahay Soomaalida guud ahaan Magaalada Minespota looga heysto inay lacag lunsadeen markii ay musuq maasuqeen lacago qaabab samaftal loogu dhiibay.

NGO- magaciisa lagu sheegay  Gateway Community Services ayuu hormuud u ahaa  sida la sheegay uu Cabdullahi kaasoo dhawaan ay xirtay Dowlada Mareykanka,waxayna ciidamada loo direy xaruntaasi ka qaateen agab looga shakisan yahay inuu isticmaali jiray Cabdullahi.

Warbaahinta Daily Nation oo Kenya laga leeyahay ayaa maanta soo qaatay warbixinta C/laahi ,waxay warbixinta ku sheegeen in Mareykanku dalbaeen inuu isasoo dhiibo laakiin ilaa minka meel uu ku sugan yahay ma jirto cid ka war heysa.

Si kastaba Muwaadinkaan Soomaaliga ah ee Mareykanka ay raadinayaan waxaa la hadal hayaa in hadii la qabto uu muteysan karo marka la eego nidaamka Mareykanka xabsi sodon sano ilaa 40 sano ah, hadii la xiro dabcan uuna soo dhameysto waayeel ayuu noqon doonaa madaama hada uu yahay 53 jir.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of text that says "Thursday, January 2026 TSh1,700 700/00: RFr-900/00) Of /NationAfrica| 22111 www.nation.africa DAILYONATION DAILY Failed bid Businessman tried to wrest the Jubaland presidency from Madobe 2024 Why US is probing this man DISPUTE Universily refugee Nairobi alumnus, who born Somalia Anew in Kenva's Dadaab Stales cilizenship, facing House alleged Abdullahi lounder Galewav Communily vices.a healtheare lirm based Slate Maine. that suspended from receiving funding pending Great see you! President with his predecessor's brother P.28:3 CRIME State House President William @nthemoringafQctober proud Fresh queries on customary marriage law POTOBPCy lawyer Nation App YOUR NATION, NOW IN ONE PLACE. DOWNLOAD NATION APP"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -