NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Sida ay baahiyeen TV-yada Dalka Kenya Somali-Kenyan ka tirsan Booliiska Dalkaasi ayaa loo soo xirey xatooyo uu kula kacay saaxiibadiis uu Booliiska kala tirsan.Askarigaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Aadan Maxamuud ayay askartu sawiraan isaga iyo dhar badan oo ay sheegeen inuu ka xaday askarta shaqada kula jirta ama ay isku saldhiga yihiin.
Xabsiga ayaa loo taxaabay waxaana lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago inuu dhar badan xaday kuwaasoo sida sawirka aad ka arki kartaana iska ah dhar xitaa aan ahayn kuwo cusub.
Ciidamada Booliiska ayaa la sheegay inay tageen guriiisa kadibna laga soo helay dharkii uu ka xadi jirey ciidamada la shaqeysta inkastoo aan waii cadeyn saxa la soo bandhigin lagana yaabo eedeyn been abuura tahay si sumcadiisa iyo mida Muslimiinta Soomaalida loo dilo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
