WAJEER (DAYNIILE.COM)-Sheekadaan waxay ka dhacday xero ciidan oo ku taal meel aad ugu dhaw Magaalada Wajeer ee dhulka Somalida ee Kenya maamusho kadib markii Wiil Somali-kenyan ah uu wadnuhu istaagay xili uu qeyb ka ahaa dhalinyaro qoratay askarnimo Milateri xili ay tababarka koowaad ku jireen.
Macalinka askarta cusub siinayay tababarka ayaa dhalinyarada isku qortay askarinimada Milateri wuxuu ku amray orod uu dhexdooda ku tartansiinayay balse Mahad Cabdi Cali oo ka mid ah islamarkaana kaalinta hore ka galay orodka ayaa xiligiisii guusha waxaa la soo sheegayaa inuu dhulka ku dhacay kadibna uu dib u soo kici waayay, kadib isbitaal loo qaaday ayuu ku dhintay.
Allaha u naxariistee Mahad Cabdi Cali waxaa la sheegay inuu wadnuhu istaagay sidaana ku dhintay inkastoo wali baaritaan rasmi ah aysan Dowladu sameyn kana soo saarin warbixin caafimaad oo ah sababta geerida keentay.
Inkastoo dhimashadaani ahayd mid kadis ah hadana sida caadiga lagu yaqaan askarta marka ay cusub yihiin waxaa la siiyaa tababar ku saabsan hadba ciidanka dhanka uu ka doortay sida booliis ,Milateri ama Nabad sugid.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
