HomeWarkiiSomali oo ku biirtay Gudiga dib-u-eegista iyo isla xisaabtanka Maamul-Wanaagga Afrika

Somali oo ku biirtay Gudiga dib-u-eegista iyo isla xisaabtanka Maamul-Wanaagga Afrika

Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biirtay Gudi loogu magac daray habka is-qiimeynta iyo dib-u-eegista Maamul-Wanaagga Afrika ee APRM kaasoo uu soo hindisay ama uu aas-aasay Midowga Afrika, qorshaha gudigaan ayaa ah isla xisaabtan Midowga Afrika dhexdiisa ah.

Gudigaan waxay shaqadiisa tahay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika dhexdooda isku qiimeeyaan, iskula xisaabtamaan, isla markaana u horumariyaan maamul wanaagga, hufnaanta iyo tayada hay’adahooda dowladeed.

Madaxweynaha Somalia Dr. Xassan Sheekh ayaa saxiixay heshiiska is-afgaradka ku biirista gudigaan intii lagu guda jirey Kal-fadhigii 35-aad ee Madasha Hoggaamiyeyaasha Dalalka APRM.

Madaxweyne Xasan isagoo in Gudigani yahay nidaam ay dowladuhu si ikhtiyaari ah ugu oggolaanayaan in la qiimeeyo siyaasaddooda, hay’adahooda iyo nidaamyadooda maamul si loo ogaado meelaha horumar laga sameeyay iyo meelaha u baahan dib u habayn iyo tayeyn ayuu saxiixay si Somalia cagta u saarto wadada isla xisaabtanka Dalalka Midowga Afrika.

Mar sharaxaad laga bixinayay gudigaan Somalia ay ku biirtay ayaa lagu xaqiijiyay inuusan ahayn gudi faragelin ku sameeya dalalka xubnaha ka ah balse waxa lagu shegay inuu yahay is-qiimeyn iyo hannaan dib-u-eegis ah oo ay dowladuhu si iskood ah ugu gudbiyaan siyaasadahooda, hay’adahooda, iyo nidaamyada maamul si loo qiimeeyo dal kasta xaalada uumarkasi nidaam ahaan joogo.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -