NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/risaaq Ibraahim ayaa xaaskiisa wuxuu ku dilay magaalada Nairobi ee xaruna Dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Komarock.
Gacan ku dhiiglaha waxaa la soo sheegayaa inuu dilka u adeegsaday toorey xili xaaskiisa Allaha u naxariistee ay Uur lahayd waxaana magaceeda la oran jirey o Najma oo ahayd 20 jir ,lamana yaqaan wali sababta ku kalitay inuu xaaskiisa oo aad u da’yar inuu nafta dhaafiyo.
Ciidamada Booliiska ayaa durba qabtay gacan ku eedeysane C/risaaq Ibraahim kaasoo dhawaana lagu wado in Maxkamad la soo taago.
Maaha markii ugu horeysay oo Nairobi isku dilaan dad isku qoys ah sida gudaha dalkeena Soomaaliyaba ay uga dhacaan,hore ayaa kiisas nuucaan ah loo diiwaan geliyay inkastoo ay dhanka Somalia ku badan tahay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
