HomeWarkiiSomali xalay lagu dhawacay Cape Town iyo burcada Somalida leysa oo dhexdooda...

Somali xalay lagu dhawacay Cape Town iyo burcada Somalida leysa oo dhexdooda tira badan iska dileen

CAPE TOWN (DAYNIILE.COM)-Ganacsade Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Bille ayaa la soo sheegayaa in xalay dhaawac sahlan lagu gaarsiiya Tuulada Philippi ee hoos tagta Magaalada Cape Town ee dalka Koofur -Afrika  waxaana la gaarsiiyay isbitaalka si xaaladiisa wax looga qabto.

Dhaawaca Ganacadahan ayaa ku soo aadeya xili isaga iyo Soomaali kale ay xalay dib u fureen ganacsiyadooda oo maalmihii ugu danbeeyay cabsi loo furi waayay ,isla xalayna markii ay fureen weerar baa lagu soo bilaabay.

Dhanka kale Wararka laga helaayo isla tuuladaani Soomaalidu ganacsiga ku leeyihiin ee Philippi ee Duleedka Magaalada Cape Town ayaa sheegaya in kooxaha burcada ah ee Soomaalida disha oo dhacda inay dhexdooda is dileen oo ugu yaraan iska dileen ilaa 7 dhagr-qabe.

Burcada is dishay waxay Booliisku sheegeen inay yihiin dhalinyaro 20 ilaa 30 u dhexeysa inkastoo aysan sharaxaad dheeraad ah ka bixin waxa ay isku qabteen madaama ay awal u mideysnaayeen dhaca iyo dilka ajaanibta dalkooda ku sugan sida Sooa

waxaa dhici karta inay isku laayeen hantidii ay Soomaalida ka dhaceen madamaa burcad oo dhan lagu yaqaan inay dhexdooda isku soo laabtaan marka qaarkood damcaan wixii la soo dhacay inay badsadaan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -