HomeWarkiiSomalia iyo Burkina Faso oo ka wada hadlay iskaashiga amni ee labada...

Somalia iyo Burkina Faso oo ka wada hadlay iskaashiga amni ee labada Dal+SAWIRRO

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Burkina Faso, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Wasiirka Amniga ee dalkaas, Mahamadou Sana.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ouagadougou Thomas Sankara International Airport, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Amniga Burkina Faso, Taliyaha Ciidanka Booliska, iyo saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga dalkaas.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu tahay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga xogaha sirdoonka, iyo horumarinta wada shaqeynta hay’adaha amniga.

Inta uu socdo safarka, labada dhinac ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo kooxaha xagjirka ah ee khatarta ku haya amniga gobolka.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of the Oval Office and textMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -