Masjid

CARDIFF (DAYNIILE.COM)-Sida ay sheegtay idaacada BBC-da waxaa dalka Britain lagu dilay Wadaad Soomaali ahaa oo sidoo kalana Imaam ka ahaa Masjid ku yaal magaalada Cardiff.

Advertisement

Shalay subax ayaa la soo sheegayaa in la dilay xili uu ka baxay masaajidka,wararka ayaa tilmaamaya in rag hubeysani dileen.

Allaha u  naxariistee Iimaamka oo lagu magacabi jirey  Fu’aad Xasan Yaasiin islamarkaana 64-jir ah ayaa ahaa Aabaha toddobo carruur ah,wuxuu ahaa wadaad aad looga jeclaa halka uu degan yahay.

Imamaam Fu’aad Xasan Yaasiin wuxuu ahaa samafale sameyn badan ku leh halka uu ku noolaa iyo masaajidka,waxaa aad uga wada naxay soomaalida iyo dadkii uu wanaaga kula noolaa.

Dowlada Britan waxay dilka wadaadkaan usoo xirtay hal nin kaasoo hada su’aalo la weydiinayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Imaam Fu'aad

Previous articleMaxkamadeynta Ninkii Xaasikiisa gubay oo goor dhaw bilaabatay
Next articleWixii xalay ka dhacay Golaha Ammaanka iyo waxa laga yiri xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here