Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim sheekh Muxudiin ayaa magaaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga kaga qeyb-galay shirka taliyayaasha Ciidamada Military-ga ee isbaheysiga dalalka Islaamka ee la dagaalanka argagixisada oo Soomaaliya Xubin ay ka tahay.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray qorshaha fog ee la dagaalanka Argagixisada waxaana kasoo qeyb galay Dowladaha Xubnaha ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dagaalanka Argagaxisada iyo Dowladaha taageera.
Shirkaan ayaa u ahaa mid muhiim ah Soomaaliya, Maadaama dalkeena hadda ay ka socdaan dagaalka iska xoreynta khawaarijta waxuuna ku soo dhamaaday guul iyo in Soomaaliya laga taageero la dagaalanka Argagaxisada iyo ciribtirayo fikirka Xagjirka ah.
Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dalka Sacuudi kulan duceedyo kula qaatay Taliyayaasha Ciidanka Xoogga ee dalalka Sacuudi, Kenya, Jabuuti, iyo Xogyaha guud ee Isbahaysiga islaamka isagoona ugu warbixiyey Guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Isbaheysiga dalalka islaamka ee la dagaalanka Argagixisada ayaa la aas aasay sanadkii 2015 waxaana ku mideysan 45 dowladood.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 11 people and textMay be an image of 4 people, suit and textMay be an image of text
Previous articleDowlada Somalia oo shixnado Gar-gaar Maanta u kala dirtay Puntland iyo Jubaland+SAWIRRO
Next articleErdogan oo Biden kala hadlay joojinta Dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here