Xulka qaranka kubada cagta Somalia ee 17 jirada ayaa xalay si rasmi ah looga soo reebay tatankii kubada cagta ee AFCON U-17 ee qaaradda Africa 2025.Kulankii ugu dambeeyay ahaana koodii sedexaad ayaa xalay looga badiyay 2-0 kadib markii ay la ciyaareen Xulka dhigooda Dalka Senegal.
Isu geyn xulkeena waxaa laga dhaliyay sedexda kulan 10 gool halka ay dhaliyeen oo kaliya 1 gool taasoo muujineysa tabar-daradooda sanadkaan inkastoo lagu xasuusto laba sano ka hor inay koobka qaadeen.
Si kastaba Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa la rajeynayaa inay sanadka danbe sidaan wax ka badalaan oo xul adag loo diyaarsho qarankeena.
XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM







DAYNIILE.COM








