ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo u muuqda inuu xoog wax ku raadinayo ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’ab tahay inuu ama xoog ku helo marin badeed.
Abiye Axmed wuxuu ku qiimeeyay Somalia ,Jabuuti iyo Eriteria dhamaantood inay yihiin 25 Milyan dad marka la eego tirada .
“25-kaas Milyan waxay haystaan 5000-KM oo bad ah; Itoobiya oo 130 milyan ah waxay u baahan tahay 50KM oo keli ah oo bad ah.”ayuu yiri Abiy Axmed
.Ra’iisulwasaaraha Itoobiya wuxuu warkiisa ku muujiyay inay xoog ku qaadanayaan inkastok uusan cadeyn sedexa dal midka ay ku ruqaansanaaan.
“Annaga & Badda-cas ma kala maarmi karno.”ayuu mar kale Abiy Axmed
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
