Maxamed Jaamac waa Abaha Qoyskan, Waxay na ku Nool Yihiin Wadanka Norway isaga Caruurtiisa iyo Xaaskiisa

Maxamed oo Degan Guri u Lee yahay Kamuunka ( Dawlada hoose ) ee Dagmada Toyen ee Caasimada oslo Ayaa bishii ugu Dambay Dhaqaalaha soo Galaa dhaafay intii ay ku Heshiyeen kamuunka

Maxamed iyo Kamuunka Ayaa ku Heshiiyey hadii Mushaharkiisu u Dhaafo 15.000 karoon oo u Dhiganta 1500 dolar bishii ,

In Qoyskiisu Raadsado Guri Private ah oo Ah Kuwa Shacabka ee Kiradu Qaaliga tahay kana Baxo Guriga Kamuunka ee kirada Jaban Waa Sida kamuunku Sheegayo ee

Bishan ayaa maxmed waxaa la Soo Xiriiray maamulka kamuunka Waxana loo Sheegay in u gaadhay Dhaqalahihii lagu Heshiiyey Sidaa Awgeed u baneeyo Guriga

Inta ka Dib maxamed ayaa Kamuunka u Qoray Waraaq Cabasho ah oo u ku Dalbanayo in lagu eego il naxariis hadana ay tahay xili karoone oo aanu helayn guri kiro ah Sidoo kale Caruur yar yar u Wato Qabow Darana u Dhacayo

Kamuunka oo aan Wada Tashi ka yeelan kiiska maxamed Sidoo Kale aan u furin Kiis Ayaa Maamulka Qaybta Guryahu Qaatay , Go.aan ah in Maxamed loo Adeegsado Xoog loona Diro Askar Si Guriga looga Dareeriyo Qoyska

Askarka ayaa Albaabka ka gashay Qoyskii oo Xili Baraf badan Dhacayo ,,, Ka Soo Baxa Guriga iyo Maxaa Dhacay , Buuq Badan ka dib Askartii Waxay ku adkaysatay in la Soo Siiyey Amar Gurigana ay Xidhayaan

Caruurtii oo Qaar Hurdeen Ayaa la Soo Kiciyey Waxana loo Saaray Berafka ,,, Gurigiina Waa laga Xidhay Qoyskii Ayaa Talo ku Cadaatay

Ciidanka Qaar ka Mid ah Ayaa Hooyada iyo aabaha Qoyska ka Codsasay inay u Raaci Karaan Guriga la Seexiyo Sakhraaminta dariiqyada laga Qaado ,, Qoyska Ayaana Diiday Dalabka oo Kaga Hadhay halkii

Inta ka Dib Waxaa soo Baxay Deriska oo ka War Helay Masiibada Caruurta Debeda Keentay Xiligan Qaboobaha Ah

Gabadh Deriska ah oo Cadaan Norweygi ah ayaana Facebook ku Qortay Qisada ku Dhacday Qoyska Waxaxana Share gareeyey Kumanaan Kun oo Qof

Sheekadii Ayaana Baraha Bulshada Qabsatay Waxayna Dib ugu Soo Laabatay Maamulki oo la kulmay Cambaarayn Xoogan ,, Sheekada Ayaana Gaadhay heer maamulka laga Dalbado Is Casilaad Deg Deg Ah

Gabadhi Sheekada Qortay Ayaa Shacabka Norway ka Dalbatay in Qoyska loo Uruuriyo 50,000 karoon taas oo ah Debaajiga Guriga ay kiraysan Doonaan

Laakin Lacagti Ayaa Saacad wax ka yar ka dib Dhaaftay Halkii Goal ku Ahaa Waxayna Sheegtay Inay ku Qasbanaatay inay u Bedesho Ilaa Boqolkun oo Karoon laba Saac Ka Dib Ayey Hadana Dhaaftay Halkii

Inta ka Dib Gabadhii Ayaa Qaadatay go,aan kale oo ah in Ciwaanka Sheekadaba loo Bedelo Guri Ha loo iibsho ,,, markay aragtay Xawliga lacagtu ku Socoto Waxanay na goalka lacagta ka Dhigtay Hal milyan , 24 Saac ka dib Maxamed Lacagtiisii Waxay Gaadhay Hal malyan

Isagoo jimcihii Faqiir ahaa Ayuuna Sabtidii Taajir noqday Hada Maxamed Jama iyo Maryan Xuseen Waxay Raadinayan Guri weyn oo iib ah ,, Kamuunkina Waxay Rabaan inay Guriga la soo iibiyan Si iyagu Xalka Qayb uga Noqdaan isagana Jeediyaan Indhaha Shacabkii Soo Doortay

Waa Halkii laga odhan Jiray Wax aad Shar moodayso Ayaaba khayr ku ah ,, ku Darsoo Lacagta Qoyskan ilaa Hada Kor ayey u Socota Waxana Suuro gal ah inay gaadho Lacag u goysa laba Guri ,,

Dawlada Dhexe ayaana Shaacisay in aan la Cashuuri Doonin lacagta maxamed iyo maryan Sidoo Kale Mulkiilaha Shabakada lacag uruurinta Norway ee ipas ayaa Sheegay in u ka Dhaafay Khidmadiisi

Al Jasiira News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here