Boorama (dayniiile.com)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaaan Saylici ayaa booqday Magaalada Boorama ee Xarunta Goboloa Awdal halkaas uu kula kulmay qeybaba bulahada.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Saciid Habne ayaa saxaafad uga warbixiyay wixii ka soo baxay kulankaasi.

Advertisement

Wasiir Habane wuxuu sheegay in la isla gartay in laga wada shaqeeyo adkeynta nabad gelyada guud ahaan gobolka iyo ilaalinta wada-jirka.

“Waxaa kale oo lagaga wada hadlay in la cadeeyo in shacabka Boorama yihiin shacab ka mida Somaliland aysana jirin wax la dhaho Awdal State”ayuu yiri Siciid Habane.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo toos uga hadlayay wararkii baraha bulshada qabsaday ee ahaa in Boorama looga dhawaaqay maamul ka madax banaan Somaliland kaasoo loogu magac daray aawdal State ayaa sida warkiisa ku jira wuxuu beeniyay warkaasi.

“Ma jirto wax Awdal Sate la dhaho reer Awdal waxay ka mid yihiin shacab weynaha reer Somaliland mana jirtp xid kale oo sheegan karta arimaha gobolka iyo inay ka arimiso”ayuu yiri wasiir saciid Habane

XAFISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleHay’adaha Amniga iyo Maamulka Caasimada oo kulan yeeshay+Sawirro
Next articleMadaxweyne Xasan oo gaaray Dalka Belgium

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here