Laas-caanood (dayniiile.com)-Taliyaha Ciidamada Milatariga Maamulka Somaliland ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka ay kula jiraan Maamulka cusub ee SSC Qaatumo isagoona la hadlay ciidamada ku sugan deegaanka Buq-Dharkayn.

Tagista Taliyaha ayaa ku soo aadeysa xili ciidamo dheeraad ah uu Maamulka Somaliland geeyay deegaanka Buq-Dharkayn ay isku hayaan Maamulka Qaatumo kuwasoo ay sheegeen inay amniga sugi doonaan kana qeybgeli doonaan dagaalada.

Advertisement

Taliyha ayaa xusay in hada xaalada amni ee Buq-Dharkayn uu yahay mid degan islamarkaana ay ciidamadoodu diyaar u yihiin sugida amniga xuduudaha Somaliland sida uu warka u dhigay.

Maalmihii ugu dabeeyay deegaankaan Buq-Dharkayn ayay labada maamul ku dagaalamayeen iyadoo dhinac kasta uu sheeganayo inuu isagu gacanta sare leeyahay xili aysan jirin warar madax banaan oo halkaasi laga helo maadaana ay tahay goob dagaal, kaliyana wararka laga helo dhinacyada iska soo horjeeda oo kaliya.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleReer Mandheera oo dhibaato weyn ku qabaan Tog weyn oo Shiinuhu hore u qodey.
Next articleXamze Cabdi Barre “Reer Jubaland hubka qaata oo naf iyo maal u hura xoreynta dhulkiina”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here