Hargeysa (dayniiile.com)-Warsaxaafdaeed ka soo baxay  Maamulka Somalailand ayaa lagu faafiyay in dagaalkii shalay ay ku soo qaadeen isbaheysi sedex dhinac ka kooban.

Sedexdaan koox ayay Somaliland ku sheegtay inay kala yihiin Alshabaab, Maamulka Puntland iyo huwanta ka Dagaalanta Bariga Magaalada Laascaanood oo ay ula jeedaan SSC Qaatumo.

Advertisement

“Dadka degaanka Buq-dharkayn oo gacan ka helaya Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxay gaadhsiiyeen kooxaha Huwanta iyo argagixisada khasaare aad u wayn waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul”ayaa lagu yiri warka Somaliland

Sidoo kale Maamulka Somalialnd wuxuu warsaxaafadeedkiisa ku hanjabay in Ciidamadoodu qaadayaan tallaabooyin aanay mahadin doonin cadawga soo duulay sidey warka u dhigeen

Warka maamulka Somaliland ayaa yimid markii shalay dagaal culus ay kula galeen duleedka laascaakood deegaanka lagu magacaabo Buq-dharkayn kaasoo sababay dhimasho labada dhinac ah,xili wararka qaar tabiyeen in deegaankaas laga saaray Somaliland.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDAAWO: Dowlada Somalia oo xal u heshay Dagaal Beeleedyada Gobolka Sh.dhexe
Next articleIsimada SSC Qaatumo oo maanta la kulmaya Mucaaradka Puntland iyo Saciid Dani oo ka aqbalay dhex dhexaadintooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here