HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kaah oo aad ugu dhaw Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxman Ciiro ayaa wacad u maray hadu reer Somaliland yihiin in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh uusan ku soo laaban kursiga marka la gaaro doorashada 2026 islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan arintaasi.
Masuulkaan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xassan inuu faragelin ku hayo dhulka Somaliland siduiu warka u dhigay isagoo soo hadal qaaday maamulka cusub ee Waqooyi Beri oo Dowlada Xasan Sheekh ay ka yagleeleyso Sool,Sanaag iyo Ceyn.
Maxamuud Xaashi Cabdi wuxuu cambaareeyey waxa uu ugu yeeray faragelin ay dowladda Somalia ka waddo dhulka Somaliland sida uu warka u dhigay isagoo ula jeeda Magaalada Laas-caanood.
Siyaasigaa wuxuu ka dhawaajiyay ineysan iyagu dagaal hub aysan la galayn dowlada Somalia balse ay la geli doonan dagaal siyaasadeed taasoo ah inay ka shaqeeyaan sidii Madaxweyne Xassan uusan ugu soo laaban madaxweynaha Somalia.
Warka masuulkaani ayaa ku soo aada xili uu soo hagaagayo xiririka Maamulada Puntland iyo Somaliland oo u muuqda inay u heshiiyeen Madaxweyne Xassan iyadoo la ogyahay in bilo ka hor warbaahintu aad u hadal heysay in Somaliland go’aansatay inay soo dhisaan doorashada 2026 Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi deni sidii u u noqon lahaa Madaxweynaha Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
