HomeWarkiiSoomaali badan oo lagu xirey Dalka Congo

Soomaali badan oo lagu xirey Dalka Congo

No description available.LUBUMBASHI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada labaad ee ugu weyn dalka Congo oo lagu magacaabo Lubumbashi ayaa sheegaya in halkaasi shalay lagu xirey ku dhawaad laba boqol dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo si sharci daro ah guryahooda loogu galay waliba la soo jabshay guriga  ilaa dhamaantood la kaxeystay.

Sawiro iyo muuqaalo baraha bulshada lagu faafiyay ayaa lagu arkay iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed si xoog ah loo saarayo gaadiid ciidan lamana oga jeedka walow wararka horu dhacana ay sheegayaan in lagu eedeeyay inay si sharci daro ah ku soo galeen dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaan oo iska xamaasha dhamaantood la dhacay wixii ay heysteen iyadoo qof u hadlay uu sheegay inay macquul tahay in Dowlada Congo waxba ka ogeyn arintaan balse qolo shaarka dowlada wadata oo ay doonayaan inay Soomaalida boobaan.

Dhanka kale Dowlada Somalia wali kama hadlin dhacdadaani oo Soomaalida hantidooda lagu boobayo iyuadoo loogu mar marsiyoonayo inay sharci daro ku galeen dalkaasi.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -