Deegaanka Happy Valley oo hoostaga magaalada Cape Town  ee Dalka Koonfur afrika ayaa la soo sheegayaa in xalay lagu dilay laba nin oo Soomaali ah oo halkaasi ganacsi kulahayd..

Kooxo burcad ah ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen tukaan ay isla  joogeen labada Soomaalida ah oo lagu kala magacaabi jirey Xasan Xaamud Jaras iyo C/Qqaadir Macalin Maareeye Rabi ha u wada naxariistee.

Advertisement

Burcada oo rabtay inay dhacaan tukaanka ayaa rasaas ooda uga qaaday labada nin ee Soomaalida ah iyagoo ugu danbeyna u wada geeriyooday rasaastaasi.

Dilalka dadka ajaanibta ah sida Soomaalida caadi ayay ka tahay dalkaasi koonfur afrika mana jirto wax ay ka qabato dowlada dalkaasi kaliy meydadka iyo dhaaacyada ayay qaadaan waxayna imaadan marka burcadu baxdo kadib.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here