Dhacdo naxdinteeda leh sidoo kalana la yaabkeeda leh ayaa ka dhacday xerada Qaxootiga IFO ee Kenyaanku maamulaan kadib markii Wiil Soomaali ah uu feer ku dilay Somali kale.

Allaha u naxariistee wiilka geeriyooday oo xeradaasi looga yaqaanay Lama-suule ayaa u dhintay hal feer oo beerka kaga dhaca markii ay isu gacan qaadeen oo ay is feereen  isaga iyo gacan ku dhiiglaha Khamiistii la soo dhaafay.

Advertisement

Labada wiil waxaa oo xerada isla deganaa ayaa muran soo kala dhex galay wuxuu sababay inay isu gacan qaadaan waxaase la yaab lahayd markii hal feer oo Lama-suule beerka kaga dhacday ay naftu kaga baxday.

Wiilkii feerka dilka ku gaystay wuu baxsaday sida aan warka ku helnay inkastoo si fiican loo garanayo ayna u badan tahay in la soo qabto.

Inta badan dadka xeradaasi iskula nool waxay isugu adeegsadaan Toorey marka xaaladu meel xun kala gaarto laakiin hada falkaan ayaa noqday mid lala yaabo inkasto naftu meel dheer jirin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 1 person

Previous articleKulan Muqdisho ku dhexmaray qaar ka mida Maamul Goboleedyada iyo Hay’ada Maareynta Masiibooyinka+SAWIRRO
Next articleBooliiska Haram-Cad oo Howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceelasha biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here