HomeWarkiiSoomaali kale oo lagu dilay Cabe Town 2 maalin gudahood

Soomaali kale oo lagu dilay Cabe Town 2 maalin gudahood

CABE TOWN (DAYNIILE.COM)-Muwaadin Soomaaliyeed ayaa mar kale laba maalin gudaheed waxaa lagu dilay Degmada Khayelitsha ee magalada Cape Town   ee dalka Koofur Afrika kadib markii ay soo weerareen kooxihii burcada ahaa ee caadeystayu dilka iyo dhaca hantida Soomaalida.

Allaha u naxariistee Soomaaliga la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Nuur Maxaned Mahdi Faroole kaasoo xalay loogu tagay goobtiisa shaqada.

Sida caadiga ahba Booliiska Dalkaasi waxba kama qabtaan burcada maalin kasta iyo maalin dhaaf leyneysa Soomaalida islamarkaana hantidoodana boobeysa, kaliyana waxay yimaadaan marka dilka dhaco oo burcaduna meeshey rabaan gaaraan.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya xili laba maalin ka hor isla Cabe Town deegaanada hoostaga lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo isna lagu magacaabi jirey Shool Maxamed Cadde oo isna goobtiisa ganacsi loogu tagay bistooladna lagu toogtay ilaa naftu ka baxday.

Shalay ayaa sidoo kale waxaa isla magaaladaani lagu dhaawacay laba muwaadin Soomaaliyeed kuwaasoo helay gurmad caafimaad.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMNo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -