Ajaanibta ay Soomaalidu ku jirto ee ku nool, kuna ganacsada magaalada Polokwane ee gobolka Limpopo ee dalka Koonfur Afrika ayaa loo qabtay inay 7 maalin uga guuraan halkaas.

Qaar ka tirsan dadka u dhashay waddankaas ee loogu tagay magaaladaas ayaa warqado u qeybiyay Soomaalida iyo ajaanibta kale, iyagoo ka dalbaday in dukaamadooda ay uga tagaan halkaas.

Waxaa warqadda ogeysiiska ah sidoo kale ku xusneyd digniin loo jeediyay dadka aan u hoggaansamin dalabkaas.

Arrintan ayaa keentay walaac aad u xooggan, sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Maxamuud Cirra-wayne, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ah ee ku nool gobolka Limpopo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here