May be an image of 1 person, golf buggy, segway and service vehicle

Allaha u naxariistee waxaa saaka Gobalka limpopo magaaladiisa Lebanese ee Dalka Konfur afrika lagu dilay Muwadin Soomaaliyeed kaasoo ahaa nin dhalinyaro ah islamarkaana ku shaqeysanayay goobtiisa shaqo.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee la dilay waxaa lagu magacaai jirey Hadaafoow Sheekh Nuur kaasoo saaka aroortii hore ay toogteen
Kooxo burcad Konfur afrikan ah balse dhaawac ahaan ayaa goota looga qaaday inkastoo saacado kadib isla maanta uu u geeriyooday dhaawacaasi.
Hadaafoow Sheekh Nuur Allaha u naxariistee wuxuu dalkaasi Konfur afrika ku nolaa Sanado badan sida uu mareegta dayniile.com u sheegay Wariye Sakariye Xuseen Axmed oo laftigiisu ku sugan dalkaasi Konfur Afrika halkaasoo mar kastana Soomaalida lagu dhibaateeyo.
Soomaalida ka xamaalata Dalka Konfur afrika  ayaa in muda ahba waxay dhibanayaal u yihiin burcad dalkaasi u dhalatay marka la eego hantidooda iyo natoodaba mana jirto Dowlad wax ka qabaneysa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here