Toddobaadkan waxa la jabsaday barta Twitter-ka uu ku keeyahay Piers Morgan oo ah wariye Ingiriis ah oo caan ah, kaas oo aad uga faallooda arrimaha siyaasadda iyo dadka caanka ah.

Waxaa lagu xasuustaa wareysigii ugu dambeeyay ee uu la yeeshay ciyaaryahan Ronaldo. Waxaa Twitter-kiisa ku xirnaa ilaa 8.3 milyan oo qof.

Wargeyska The Daily Mail oo kasoo baxa Britain ayaa daabacay sawir muujinaaya jabsashada barta wariyahaas, waxay ku lifaaqeen khariidad muujinaysa shanta Gobol ee ay Soomaalidu degto iyo erayo ay ka mid ahaayeen ‘faraha hala qaado Soomaaliya’, waxaana lagu lifaaqay sawirka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mohamed Cabdillaahi Farmaajo iyo shaksi Soomaalida ka caan ah baraha bulshadu ku kulanto oo la yidhaahdo Dabcasar inkasta oo aanay warbaahinta kale ee caalamku aanay istimaalin sawiradaas.

 

Office Nairoibi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here