Waddaninimadu waa adigoo xurmad, maamuus iyo iyo laxa-jeclo u qaba dalkaaga, wax waliba oo kale oo ay xittaa naftaadu ku jirto-na aad mudnaanta ka siiso kor ahaanshaha dalkaaga.

Hab dhaqankan waa mid ku beeran dareenka iyo hanka qofka, waxaanna saldhig u ah waddaniyad, aqoon, ilbaxnimo iyo waaya-aragnimo is-biirsaday.

Wax kasta oo kale waa lagu kala aragti duwanaan karnaa, la isku khilaafi karaa, xittaa lagu kala tegi karaa, balse marka ay joogto Qaranka [National level], waa in wax waliba oo kale meel la iska dhigaa, laguna difaacaa af iyo adin intaba qiyamka iyo sharafta dalkaaga.

Xigasho: Buugga Xasuusqorka wariyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here