GARISA (DAYNIILE.COM)-Waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyay sawirka Kenyaan caan ah kaasoo gacanta ka heysta gabar Soomaaliyeed.
Kenyaankaan wuxuu ku caan baxay inuu noqday ninka ugu dheer bushada Kenya oo dhan waxaana wararku sheegayaan inuu dhawaan gaaray Magaalada Garisa halkaasoo looga yeeray inuu xayeysiin u sameeyo shirkad baabuur .
Ninkaan oo lagu magacaabo Bradley ayaa shirkada baabuurta kula heshiiyay in aroos been been ah uu la galo gabarta Soomaaliyeed si xayaysiinta loogu isticmaalo muuqaalada iyo sawirada arooska been beenta ah.
Soomaalida Kenya ayaa ka xumaatay markii ay arkeen sawirada Ninkaan Kenyaanka ah ee aan muslimka ahayn oo si sharci daro ah gacanta uga heysta gabadhaasi Soomaaliyeed taasoo diiniyan qalad weyn ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM



