Soomaaliland oo war ka soo saartay Doorashada Muqdisho loogu wabanaayo Xubnaha ka soo Jeeda

0
Golaha Wasiirrada maamulka Somaliland Oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga hadlay doorashada xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Somaliland ee ka dhaceysa Muqdisho.
Kulanka golaha wasiirrada Somaliland yeesheen uu gudoomiyanayay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa looga hadlay aragtida maamulkaasi ka qabo doorashada Soomaaliya gaar ahaan tan xubnaha kasoo jeeda gobolada Waqooyi ee lgu qabto Muqdisho.
”Arrinka ka soo yeedhay muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland” ayaa lagu yiri War laga soo saaray kulanka Wasiirada Somaliland.
Wasiirada Somaliland ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in horey u waday colaado ka dhan ah qaranimada Somaliland, waxa ayna tilmaameen in maanta ka daran tahay dadka kasoo jeeda Somaliland in quudhsi Xamar u tagaan.
 
”Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda, sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasiirada Somaliland.
Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortaa Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka ku matalaya deegaanada Somaliland , waxa ayna xubnahan dowlada federaalka ku matalaan deegaanada Somaliland aysan awoodin in hal maalin xitaa tagaan.
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here