Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay taariikhda la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah, taas oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika, Amb. Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.
Safiirka waxaa ku wehelinayay u-qaybsanaha arrimaha ciidamada, G/dhexe Xaabul, iyo diblomaasiyiin kale oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya, kuwaas oo goob joog ka ahaa munaasabadda calan-taagga.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.




